SAWIRO”Bixinta Deeqdii ka timid Jaaliyadda Ottawa oo la soo gabagabeeyay

Waxaa la soo gabagabeeyay bixinta gargaar ka yimid Jaaladda Ottawa ee dalka Canada oo la gaarsiiyay ilaa 970 Qoys oo ka mid ah dadkii ay saameynta adag ku yeelatay Fatahaaddii ku dhufatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Lacagtan ka timid Jaaliyadda Ottawa oo gaareysay $ 37, 851 dollar ayaa qaar ka mid ah Qoysaska loogu iibiyay Raashin halka qaar kalana la siiyay lacago caddaan ah oo ay nolashooda ku daba-raan, iyadoo dadka gargaarkan loo qeybiyay ahaayeen kuwo dan’yar ah oo qaarkood ka mid ahaa qoysaskii ku go’doomay xaafaddaha, halka kuwa kalana gargaarka lagu gaarsiiyay deegaanno fog oo dhulka miyiga ah.
Jaaliyadda ayaa qeybta gargaarka u wakiilada Saciid Faarax Ducaale iyo guddoomiyaha Ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan Faarax Cabdi Cali [Faarax Diir] oo wadajir u bixiyay deeqdan ka timid Jaaliyada Ottawa ee dalka Canada.

Gaar ahaan waxaa ay uga mahad celiyeen soo uruurinta deeqda shaqiyaadka kala ah wakiilka xawaaladda AMAL ee magaalada Ottawa Cabdirizak M. Jaamac oo lacag la’aan ku xawilay lacagtii deeqda ahayd, Sheekh Saciid Cali, Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir, Cabduqaadir Ilkacase, Cabduqaadir Tahliil Muumin iyo ugu danbeyntii Sheekh Cabdinaasir Xaashi oo dhamaantood gacan ka geystay soo uruurinta deeqdan.