(SAWIRO)Ciyaaryahanada kubada cagta ee Degmada Xudur Oo Baydhabo Soo Gaarey

Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Waxaa Soo Gaarey Ciyaartooy Kasocota Degmada Xudur Iyagoo Mateli Doona Gobolka Bakool,Waxaana Garoonka Diyaaraha Shaati Gaduud Ee Magalada Baydhabo Kusoo Dhaweyeey Bahda Isboortiska Masuuliyiin Katirsan Wasaarada Dhalinyarada Iyo Isbortiska Kg Oo Ugu Horeeyey Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Maxamed Cusmaan Maxamed (Ore)Ururada Dhalinyarada Haweenka Iyo Masoolin Kale Oo Katirsan Maamulka Degmada Baydhabo.

Ciyaartooydaan Katimid Degmada Xudur Oo Matali Doona Gobolka Bakool Oo Baydhabo Yimid Ayaa Waxaa Safarkooda Ku Wehlinaayey Masuulin Katirsan Gudiga Isbortiska Iyo Maamulka Degmada Xudur Oo Uu Kujiro Aadan Cabdi Awaarey Oo Kamid Ah Xildhibaanada Golaha Degaanka Degmada Xudur Ahna Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Degmada Xudur Ee Xarunta gobolka Bakool.

Maalinta Beri Ah Oo Tariiqda Ay Ku Aadan Tahay 14 07 2018 Ayaa Waxaa Lagu Wadaa In Garoonka Kubada Cagta Ah Ee Dr Ayuub Ciyaar Saxibtinimo Ah Ay Ku Dhaxmarto Labadaan Koox Oo Ay Mateli donaan Gobolka Baay Iyo Gobolka Bakool Sida Ay Warbaahinta ay Uxaqijiyeen Gudiga Isbortiska Degmada Baydhabo.

Kulankaan Ayaa Waxaa Uu Kamid yahay Kulamada Isdhaxgalka Bulshada Kaasi Oo Sanad Walba Gudiga Isbortiska Degmada Baydhabo U Qabta Kooxaha Kadhisan Goboladan koonfur Galbeed Soomaaliya.