SAWIRO”Duqa Degmada Baydhabo oo Tababar u xirey Shaqaalaha Dowladaha Hoose

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo Ahna Duqa Magaaladda Baydhabo Mudane Xasan Macalin Axmed (Biikole) ayaa maanta Tababar U soo xirey Shaqaalaha Maamulka Dowladaha hoose ee Degmada baydhabo,

Tababarkan Oo mudada Afarta Maalin ah U Socodey Shaqaalaha Maamulka Dowladaha hoose ee Degmada Baydhabo ayaa lagu Barayey Shaqaalaha Maareynta Xafiisiyada Degmada,

Tababarkan ayaa waxaa Soo Qaban Qaabisey Wasaarada Arimaha Gudaha dib u hrshiisiinta iyo Dowladaha hoose ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,

Duqa Magaalada Baydhabo Mudane Xasan Macalin Axmed (Biikole) Oo Ka hadley Xiritaanka Tababarka ayaa waxaa Uu Sharaxey Muhiimada Tabarkan Shaqaalaha Degmada Baydhabo uu u leeyahay waxaana uu La Dardaaramey Dhammaan Shaqaalaha Degmada ee Tabarkan ka faa’ideysatey.