[SAWIRO]Guddiga Qaban qaabada Dhisida Golaha Deegaanka Degmada Diinsoor oo Tababar loofurey

Tababarkan oo socon doono muddo labo maalin ah ayaa waxaa furey agaasimaha guud ee wasaaradda rimaha gudaha koonfur Galbeed Mudane Mustaf Abdullahi Adaf waxaana loo furey guddiga Qaaban qaabadda dhisida golaha deegaanka degmada Diinsoor,

Inta uu furmin tababarka waxaa la guda galay Diwaan gelinta gudiga qaaban qaabada dhisida Golaha deegaanka ee degmada Diinsor kuwaasi oo ka kooban 25 xubnood oo laga soo xulay dhamaan bulshada iyo beelaha dega degmada Diinsor,

Ujeedada tababarkan ayaa ah doorka iyo waajibaadka guddiga qaaban qaabada si loo fahansiiyo,
Tababarka ka hor waxaa la diwaan geliyey 25 xubnood kuwaasi oo loo qeybiyey kararka aqoonsiga ama ID-card,,

Xubnahan doorkooda iyo waajibaadkoodu waxay si buuxda mas’uul ugu yihiin fulitaanka Habraaca saameynta golaha deegaanka ee degmada Diinsoor,
In ay diyaariyaan shuruudaha xulista ergadda iyo waajibaadkooda,diyaarinta iyo maareynta barnaamijka golaha deegaanka degmada iyagoo la kaashanaya hay’addaha fulinaya,in ay isha ku hayaan liiska ergadda si loo hubiyo in loo dhanyahay ka qeybgalkuna sax yahay,in ay ergada u diyaariyaan waajibaadkooda saaran,In ay guddoomiyaan shirarka ergada,In ay diyariyaan ay qabtaana wadatashiyo iyo wacyigelin ayagoo la ololeynaayo hay’adaha fulinta,In ay isku xiraan qabiiladda WAGKG, WAGF iyo hay’adaha fulinta dhinaca loojistikada iyo amniga,In ay si dhab ah u raacaan ajandaha iyo jadwalka loo diyaariyey habraaca saameynta golaha deegaanka,In si firfircoon u raadiyaan xal cadaalad ah ee waara hadii ay soo baxaan mushkilado iyo khilaafyo inta shirka uu socdo,waxay iska dhax dooranayaan guddoomiye,

Hadii dood ama khilaaf yimaado (GQD,)waxay u gudbiin karaan guddiga farsamada,Saameynta golaha deegaanka ee degmada waxaa iska leh shacabka degmada hoggaanka guudna waxaa iska leh wasaaradda arimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta koonfur Galbeed oo mataleyso wasaaradda arimaha gudaha dowlada federaalka taas oo hubineysa in loo dhanyahay ka qeybgalkuna ballaaran yahay.