SAWIRO;Maalinta Caalamiga ah ladagaalanka Musuqmaasuqa oo Baydhabo lagu qabtey

Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Garsoorka XFS, ayaa soo agaasintay Xaflada Xuska 16-aad ee Maalinta Caalamiga ah ee la-dagaallanka musuq-maasuq iyadoo ujeedadu tahay in wacyi-gelin laga sameeyo musuq-maasuqa iyo sidii looga hortagi lahaa,

Musuq-maasuqa iyo daah-furnaan la’aanta ayaa waxay si weyn u cuuryaamiyeen horumarka iyo xasiloonida dalal badan oo ka tarisan wadamada Caalamka, waxaa maanta laga xusaya guud ahaan caalamka maalinta ladagaallanka iyo xakamaynta musuq-maasuqa Aduunka, la dagaalank musuqa ayaa waxaa saldhig u ahaa awoodsiinta sharciga iyo dhisidda hay’addo daah-furan oo la xisaabtama Eedeymaha musuqa.

Waxaa ka soo qeeb gallay oo khudbooyin ku aadan Xuska maalintaan ee la-dagaallanka musuq-maasuqa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda maaliyada mudane Prof. Cabdullaahub Shiikh Cali (Qaloocow), Hanti-dhowraha Dalka mudane Maxamed Cali Afgooye, Guddiga dhaqaalaha Qaranka, Taliya Ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Taliyaha Xarunta Danbi baarista, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda ee KGS, Mudane Mohamed Xuseen Xasan Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Hirshabeele, Dhamaan Maamul Goboleedyada, Bulshada Rayidka iyo dhamaan beesha caalamka hay’adahooda kala duwan, dhamaantood waxay ay hoosta ka wada xariiqeen inuu yahay musuqa aafo la dagaala wax waliba oo wanaag iyo hormar ah.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa khudbadiisa ku faah faahiyey dhibaatada uu lee yahay musuq-maasuq iyo wanaaga uu lee yahay hadii uusan jirin musuq-maasuqa. Musaqa wuxuu dhaawac u yeelaa siyaasada, dhaqaalaha iyo adeega bulsho sidaas daraadee ayaa caalamka isku raacay in loo wada midoobo ladagaallanka musuqa. Musuq la’aanta waa hormarka doowladnimada, dhaqaalaha, Cadaaladda iyo hormarka dhaqanka umada.