SAWIRO;Maamulka Degmada Baydhabo oo ka qeybgaley Baidoa Book fair

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaaladda Baydhabo Mudane Xasan Macalin Axmed (Biikole) ayaa Maanta ka qebgaley Bandhigii Buugaagta ee loogu magacdarey Baidoa book fair Waxaana ku wehliyey Gudoomiye ku xigeenkiisa Arimaha Bulshada mudane C/qadir Cali Xasan waxeyna Bogaadiyeen Bandhigaasi iyagoona sheegey in ay aad ugu faraxsanyihiin,

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Abduraxmaan Usmaan Malak ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ka daahfurey bandhiga Buugaagta Baydhabo oo lagu soo bandhigey Buugaag kala duwan.

Waxaana furitanka barnamishkan Bandhiga Buugaagta ka kaso qeyb galey Wasiiro , xilibano , Senetaro,Mamulka Degmada iyo Golaha Aqoonyahanada Koonfur Galbeed Macalimiin Arday iyo Bulshada Noocyadeeda kala duwan,

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada DGKS ayaa Dhiirigaliyay Bahda Soo Abaabushay Barnaamijkan Bandhiga Buugaagta Waxaana uu Baaq u Diray Shirkadaha iyo Bulshada inteeda kale inay Garab Istaagan Bandhigyada noocaan oo kale ah