(Sawiro)Maay Conference Boras, Sweden iyo maalinti 2aad.

Kulankan oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Boras, Sweden, waxaa ka soo qaybgalay barayaal jaamacadeed, Wax garad ku takhasusay luuqadaha oo Soomaali iyo ajnabi isugu jira.

Ka qaybgalayaasha ayaa ka kala yimid qayabaha kala duwan ee caalamka.

Ujeedada kulanka ee sanadkan ayaa waxaa ay ahayd Ka shaqaynta midnimada iyadoo la kala duwan yahay. (towards unity in diversity).

Khudbadaha iyo aqoon isweydaarsigan waxaa modwuucyada ay ku salaysnaayeen luuqadda iyo dhaqanka ee dadka ku hadla af Maay.

Aqoonyahannada maanta hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Dr. Cabdulqaadir Sheekh Cabdiraxmaan, Dr. Lee Cassanelli, Dr. Maxamed Xaaji Mukhtaar, Dr. Maxamed Xuseen, Marwo Sahra Maxamed Nuur iyo Dr. Cabdullaahi Sheekh Maxamed.

Hadalada aqoonyahanadan oo aad u xiisa badnaa, muhiimna u ahaa hab qoraalka iyo dhaqanka Afmaayga, waxaa si toos ah looga daawan karaa bogga CPBI ee facebook