SAWIRO:Madaxweynaha oo Koonfur Galbeed oo Wakhti la qaadanaya Bulshada Degmada Waajid

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen Iyo Wafdigiisa oo Ku sugan Degmada waajid Ayaa Galabtan Kula Caweeyey Gudaha Magaaladda Shacabka reer Waajid ee gobalka Bakool isagoo ay ku wehliyaan Qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada.

Madaxweyne laftagareen ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya Bulshada qeybaheeda kala duwan ee Degmada waajid isagoona Galabta ka qeybgaley Ciyaar lagu soo dhaweynayey isaga oo ay qabteen bahada isboortiska Degmadaasi.

Madaxweynha Koonfur Galbeed ayaa Caawa baryaya Degmadaasi isagoona halkaasi gaarey maanta oo uu ilaa iyo Caawa la filayo in uh kulamo la qaato Bulshada Degmadaasi Qeybaheeda kala duwan isagoona u kuur galaya Xaaladda Degmadaasi oo Alshabaab ay go dooniyeen dhowrkii Sano ee la soo dhaafey.