SAWIRO;Madaxweyne Laftagareen oo Baydhabo ka Daahfurey Manhajka Cusub ee Iskuulada

Munaasabad lagu Daahfurayay Qeebinta Bugaagta Manaahijta Cusub ee Waxbarashada Dalka ee Dugsiyada Hoose iyo Dhexe Ayaa Maanta ka Dhacday Caasimada Kumeel gaarka ah Konfur Galbeed ee Baydhabo.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Daahfurkan Manhajka Cusub waxaa sidoo kale ku Wehliyey Gudoomiyada Barlamaanka KGs iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed Abduraxmaan Usmaan malak oo Si Wadajir ah u Furey,

Waxaa sidoo kale Munaasabada Daahfurka Manhajka ka qeybgaley Qaar kamid ah Gollaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Kuwa Federaalka Maamulada iyo Macalimiinta waxkadhiga Iskuulada Ku Yaala Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobalka Baay.

Qaar kamid ah maamulada iskuulada magalada baydhabo oo ay kamid ahayeen ka qeyb galiyaasha furitaanka manhajkaan cusub ayaa soo dhaweyeen iyagoona u mahadceliyey Wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare dowlad goboleedka koonfur galbeed.

Xildhimaan Aadan Madoowe oo kamid ah baarlamaanka DFS ayaa waxaa uu sheegay in Gobolada KG ay ka jiraan Horumaro waxbarasho, Asagoo sheegay in olalihii mMdaxweyne lafta gareen ay aheyd in lahorumariyo waxbarashada Dugsiyada KG taasina maanta muuqata mira dhalkeeda.

Wasiirka wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare dowlad goboleedka koonfur Cabdiraxmaan Cusmaan Malaaq ayaa waxaa uu ka hadlay muhiimada manhajkan cusub.

Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay mudada halka Sano ah waxyaabaha uga qabsoomay dhanka waxbarashada, wuxuuna soo hadal qaaday in la tayeeyn doono iskuulada gacanta ay ku heyso wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare dowlad goboleedka koonfur.