SAWIRO;Madaxweyne Laftagareen oo Baydhabo ka Dhagaxdhigey Maktabkii ugu horreeyey Deegaanada KG

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa Dhagax Dhigay Maktabkii Ugu Horreeyey ee Laga Dhiso Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya,

Waxaa sidoo kale Dhagaxdhiga Maktabka Madaxweynaha ku wehliyey oo goobjoog ahaa qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada oo uu ka mid ahaa Wasiiru Dolaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo qaar ka mid ah Xilibaanada Maamulka KG iyo Marti Sharaf kale,

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Xasan Macalin Axmed (biikole) ayaa Asagana Goobjoog ka ahaa oo ka qeyb galey Dhagax Dhiga Maktabkan Ugu Horrweyey ee Laga Dhiso Gobolada Koonfur Galbeed,

Si kastaba ha ahaatee Maktabkan uu maanta Dhagax dhigey Madaxweyne Laftagareen ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee laga dhiso Deegaanadan Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana lafilayo in laga hirgeliyo Magaaladatan Baydhabo,