SAWIRO”Madaxweyne Laftagareen oo gaarey Magaalada Muqdisho kadib Safarkii Jabuuti

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Konfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo Maalmihii u dambeeyey Safar Shaqo uga Maqnaa Dalka Walaalaha nahay ee Jabuuti oo dib uga soo Laabtey Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Mogadisho

Dowladda Jabuuti ayaa Balan qaadey In sida uga dhakhsi badan ay Mashaariic Horumarineed uga fulin Doonaan Degmooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa balan Qaaday in Isbitaalka Degmada Marka la dhisi doono, Isla markaana ay qalabeyn doonaan isbitaalkaas.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Mamulka Marsooyinka iyo Goobaha ka Caagan Canshuuraadka ayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u bandhigay in dhismaha Dekada Baraawe ay dhisi doonto Dowlada Jabuuti wuuna Soo dhaweeyey.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada muqdisho oo uu markii hore ka ambabaxay.