SAWIRO;;Maxaa looga hadley Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed.?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ayaa Shir Gudoomiyey Shirka Khamiislaha Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Kaasi oo Looga Hadlay Xaaladaha kajira Dowladlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirka ayaa qaar kamid ah Golaha Wasiiarada Koonfur Galbeed Looga dhageystey warbixino Wasiirka Wasaarada Amniga Koonfur Galbed Mudane Isaaq Cali Subag ayaa Ugu Horreyn looga dhageystey warbixin ku aadan Amniga Waxaan uu sheegey in Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Xooga Dalka oo iskaashanaya ay wadaan Howlgalo lagu baacsanayo Maleeshiyaadka Alshabaab isagoona sheegey Dardar gelinta Howlaha Ammaanka in uu Meelfiican uu marayo.

Waxaa sidoo kale Warbixino looga dhageystey Guduga Gurmadka Gargaarka Degdega wxaana ay ka warbixiyeen Fatahaadii Wabiga Shabeelle iyo Saameyntii uu ku yeeshey Bulshada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose Waxaana ay sheegeen in Gurmad Degdeg ah ay gaarsiin doonaan Dadka uu saameynta ku yeeshey Fatahaadahaasi.

Shirka ayaa intii uu socdey waxaa waxaa Ajende soo jeediyey Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Qeybta Koonfur Galbeed kaas oo ku aadanaa Habsami usocodka Shaqada Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa intii uu socdey badanaa waxaa looga hadley Xaaladaha kajira Guud ahaan Deegaanada Koonfur Galbeed iyadoona Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu uga Mahadceliyey Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed Dadaalka iyo Shaqada ay u hayaan bulshadooda.

Dhanka kale Madaxweyne Laftagreen ayaa Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed Ogeysiiyey Wasiirada in ay u Diyaar garoobaan Sanad guurada Xiligii la Doortey Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku beegan Bishan December 19keeda.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Ugaas Xsan ayaa Warbaahinta u Akhriyey Muhiimada iyo waxyaabihii looga hadley Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed Soomaaliya.