SAWIRO;Odayaasha Degmada Diinsoor oo laga Codsadey soo gudbinta Ergada Dooraneysa Golaha Deegaanka

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Mohamed Abukar Cabdi ayaa maanta Diinsoor Shir kula yeeshay Odayaasha iyo bulshada Degmada Diinsoor ayaa waxaa uu ka codsaday inay soo gudbiyaan Ergadda soo dooraneyso golaha deegaanka ee degmada Diinsoor,

Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha ayaa yiri Golaha deegaanka waa wax idinka dan ay idinkugu jirto barina ay anfici doonaan Caruurtiina mustaqbalka waxaana wanaagsan inaad ku heshiisaan oo aad isku tanaasushaan si loo dhameystiro Golaha Deegaanka.

Waxaana uu sidoo kale yiri maanta Odayaasha iyo bulshada Degmada ayey talada gacanta ugu jirtaa waana looga dambeyn doona kuna dadaala soo gudbinta Ergadda sidaasi waxaa yiri wasiirka arimaha gudaha Koonfur Galbeed.