SAWIRO”Odayaasha Dhaqanka KG oo Taageerey Go’aankii Madaxwene Laftagareen

Odayaasha Dhaqanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ayidey Go’aan uu dhawaan soo saarey Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Dhawaan ayey aheyd Markii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu si cad u sheegey in Tirada Xildhibaanada Baarlamanka KGs laga dhigi doono 95-Xidhibaan .

Odayaasha Dhaqanka KGS oo maal Mahan Baydhabo kulamo kala Duwan uga socdey oo ay uga hadlayeen Tiradan uu ku dhawàqey Madaxweyne Laftagareen iyo sida ay latahay dhankooda Xildhibaanada Barlamanka Labaad Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Shir Jaraa’id ay Maanta Baydhabo ku qabteen Waxaa ay ku Sheegeen in Dhammaan Odayaasha Dhaqanka KGS ay ku raaceen Go’aankìi Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Dhawaan Sheegey in Xidlhibaanada KGS tira ahaan Laga dhigi Doono 95 -Sida Dastuurka KGS uu qabo Cutubka 3aad, Qodobkiisa 37aad Farqadiisa 2aad ee Daatuurka Koonfur Galbeed.

Malaaq Deerow Yacaquub Af-hayeenka Odayaasha Dhaqanka KGS oo Warbaahinta KGs la hadley ayaa si Cad usheegey in Odayaasha KGS ay isku raaceen in tirada Xildhibaanada Barlamanka Kgs tira ahaan laga dhigo 95 -Xildhibaan.