SAWIRO”Shir looga hadlayey Dib udhiska Wadooyinka Baydhabo oo Maanta ka dhacay Baydhabo

Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ka dhacay Shir ay isugu yimaadeen Maamulka Degmada Baydhabo iyo Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Kgs iyo Ganacsatada Magaalada Baydhabo Agaasimaha guud Ee wasaradda Howlaha guud iyo dib udhiska Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Baydhabo.

Ujeedadda Shirkan ayaa ahaa sidii loo dhisi lahaa Waddooyinka Burbursan ee Magaalada Baydhabo iyo sidii qof kasta Oo Reer kgs ahna uu qeyb uga qaadan lahaa Dib Udhiska Waddoyinka Baydhabo.

Waxaana inta badan la isku dhaafsadey afkaar kala duwan waxaana la isku raacay in qof kasta Doorkiisa ka qaato Horumarka Magaalada Baydhabo.

Yuusuf Wadani Agaasimaha guud Ee Wasaradda Howlaha guud iyo dib udhiska Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka hadley Dhismaha Waddoyinka Baydhabo iyo Qorshayaasha Wasaradalda Howlaha guud uga degsan.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane Xasan Macalin Ahmed Biikole ayaa ka hadley Ujeedada Shirkan Maanta ay isugu yimaadeen Wasiirada iyo Ganacsatada wuxuuna sheegey in lagawadaqeyqaadan doono Dhismaha wadooyinka burbursan Ganacsato iyo maamulba.

Xasan Xuseen Maxamed Xasan Eelay Wasiirka Wasaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada iyo Wasiirka Wasaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha hoose iyo dib uheshiisiinta Dowlad Goboleedka Kgs Mudane Maxamed Abuukar ayaa si wada jir ah uga hadaley dhismaha Waddoyinka Magaalaga Baydhabo Waxaana Bulshada iyo Ganacsatada ay ugu baaqen in qof kasta uu ka qeyb qaato dib udhiska Waddiyinka waaweyn ee Magaalada Baydhabo.