SAWIRO”Shir looga hadlayey Horumarinta Mashaariicda Deg Xudur oo Maanta Baydhabo lagu qabtey

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS ahna Guddomiyaha Baarlamanka KGS Mudane Cabdulkadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa Maanta Si rasmi ah Baydhabo uga Daah Furey Shir Looga Hadlayay Dhaqaale Uruurinta iyo Horumarinta Mashaariicda Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,

Shirkan oo inta Badan looga Hadlayey Sidii looga faa’ideystey Mashaaricidii kala duwaneyd ee laga hirgaliyey Degmada Xuddur oo ay mid tahay dhismaha Waddooyinka, Xaruumaha Dowladda, iyo sidii wax looga qaban lahaa Baahiyaha ka Jira Degmadaasi.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galey Hay’adaha ka howlgala Deegaanada KGS. Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS .

kulankan ayaa waxa soo qaban qaabisey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo dib-uheshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Mohamed Abukar Abdi Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladaha Hoose iyo dib-uheshiisiinta Dowlad Goboleedka KGS oo ka hadley ka wasaarad ahaan Mashariicda Kala duwan ee Degmada Xuddur ay ka Fuliyeen Wuxuuna bogaadiyey sida wasaadada Arrimaha Gudaha ay Ugu guuleysatey In Xudur ay ka dhisto Golaha Deegaanka oo Loo dhanyahay.

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS Ahna Guddomiyaha Golaha Wakiilada KG Mudane Abdulkadir Shariif Sheekhuna Maye oo shirka Daah Furey ayaa Ku baaqey In si wada jir ah looga qayb qaato Horumarka Degmada Xuddur iyo Guud ahaan Deeganada KGS.

Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool ayaa Waxay kamid tahay Degmadii ugu horreysay KGS ee laga dhisey Golaha Deegaanka.