SAWIRO;Shir looga hadlayey Qoondada Haweenka ay ku leeyihiin Baarlamanka KGS Oo Maanta Baydhabo ka dhacay

Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Aweys Yuusuf Macalin ayaa Maanta si rasmi ah Magaalada Baydhabo uga daah Furey Shirkan looga hadlayey Qoondada Haweenka ay ku leeyihiin Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,

Waxaana sidookale Ka soo qeyb galey Xildhiibano,Ururada Dhallinyarada Haweenka,Bulshada Rayidka Ururka Naafada,iyo Marti sharaf kale oo iyaguna qeyb ka ahaa Kulan kaasi looga hadlaayey Qoondada Haweenka Reer Koonfur Galbeed,

Shirkan ayaa inta badan aad looga Doodey Qoondada Haweenka Ay ku Leeyihiin Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaaa Halkaasi la isku dhaafsadey Fikrado kala duwan oo la xiriira sidii Haweenka ay ku heli lahaayeen Qoondada ay ku leeyihin Golaha Wakiilada KGS,

Aweys Yuusuf Macalin Guddomiyaha Labaad ee Golaha Wakiilada KGS oo Daah furka Shirkaasi ka Hadley ayaa ka soo qeyb galayaasha kula dardaarmey in shirkan looga hadlayo Qoondada Haweenka Baarlamanka KG ay ku yeelan karaan ay ka soo baxaan Qodobo Miradhal ah oo ka turjuma Haweenka Koonfur Galbeed Soomaaliya.