[SAWIRO]Shirka Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Diinsoor oo Furmey

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha dowlad goboleedka soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Mahaad Mohamed Ciise ayaa maanta si rasmi ah u daah-furey shirka dhismaha golaha deegaanka degmada Diinsoor ee gobolka baay,

Furitaanka xaflada daah-furka dhisida golaha deegaanka ee degmada waxaa goobjoog ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha koonfur galbeed Mudane Mustaf adaf agaasimaha waax-da dowladaha hoose ee wasaaradda arimaha gudaha dowlada soomaaliya Yaxye Omar Hersi Raxmo Sheikh Mohamed Madaxa xariirka gobolada ee wasaaradda haweenka koonfur galbeed kusimaha maareeyaha mashruuca xasilinta #S2S Mudane Abdirahmaan Ali Gaab guddoomiyaha degmada diinsoor Mudane Abdisalaan xaaji siidow ku xigeenadiisa odayaasha,dhaqanka,waxgaradka,dhalinyaradda,iyo haweenka.