SAWIRO;;Sun lagula Dagaalamayo AYAXA oo Baydhabo la soo Gaarsiiyey

Wasaaradda Beeraha Ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku wareejiday Wasaaradda Beeraha Dowlad Goboleedka koonfur galbeed Sunta looga hortagayo #AYAXA iyo Qalabka loo isticmaalo waxaana ka Gadoomey Qalabkaas Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed Soomaaliya,

Suntan iyo Qalabkan ayaa la gaarsiin doona sida la filayo Deegaanada uu saaameeyey Ayaxa waxeyna Wasaaradda Tababar kooban siindoontaa Dhalanyada Deegaanada uu Ayaxa Saameeyey iyo Deegaanada kale ee wali laga cabsi qabo in uu gaaro Ayaxaasi,

Qaar badan oo kamid ah Beeraleyda Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saameyn weyn ku yeeshey Ayaxan oo gebi ahaanba uu baabi,iyey Dalaggii Sanadkan ay ka sugayeen Beerahooda oo in badan Dadkani ay ku tiirsaneyd Noloshooda.