SAWIRO”Tababar Waxbarasho oo Maanta laga Furey Baydhabo

Wasiirka Waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Ayaa Maanta Magaalada Baydhabo Ka Daahfurey Barnaamijka Dhisida Gudiyada Waxbarasho Ee Bulshada Taasi oo loogu Talagalay Horumarinta Waxbarasho ee Deegaanda Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa Tababar ufurey Qaar kamid ah Gudiga Waxbarshada ee Bulshada waxaana sidoo kale kala Qaybgalay Madaxda Waaaarada Qàar kamid Ah Oo uu ugu Horreeyo Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Lataliyaha Wasaarada iyo Masuuliyiin Kale .

Tababarkan ayaa Sidoo kale isla maanta ka Furmay ilaa Saddax Degmo oo ay kamid yihiin Degmooyinka Afgooye ‘Xudur iyo Baydhabo waxaana loo qabtay iskuulo Gaaraya ilaa 28 Iskuul Tirada Guud ee la Tababaarayo ayaa ah 196 Xubnood oo oo Ka Tirsan Gudiyada Waxbarashada Guud ee Bulshada.