Sawiro”Taliyaha CXD ee Q/6aad oo Kormeerey Ciidanka XD ee Degmada Xuddur

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Maxamed sheekh Abdullaahi iyo Saraakiisha qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Ururka 51’aad Ciidankii la Qarameeyay ayaa maanta Kormeer Ku Tagey Xarunta Taliska Guutada 9’aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed
Ee Duleedka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,

Degmada Xudur oo ay ku suganyihiin Ciidanka Qaranka ayaa dadaalo ay uga hortagayeen isla markaana kula Dagaalamayeen Alshabaab Waxa ay ka Wadeen Aagaasi.

Waxaana Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka ee Qeybta 60aad uu Kula Dar Daaramey In ay Si dhab ah uga shaqeeyaan Sugida Amniga Goobaha ay ku sugan yihiin.

Taliyaha oo Ciidanka u hambalyeeyey ayaa U Ballan Qaadey in wixii hada ka dambeeya Ciidamada ay Si xur ah u Heli doonaan Xaquuqdooda iskuna diyaariyaan Howlgal Ka dhan ah Maleeshiyada Al Shabab Gobolka Bakool Guud ahaan looga sifeynayo.