SAWIRO;Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska KG Oo Maanta soo gaarey Baydhabo

Wafdi Saraakiil ah oo uu hogaaminayey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta soo gaarey Magaalada Baydhabo Waxana soo dhaweyay Taliyaasha Ciidamada Booliska, Asluubta , C.I.D. iyo Saraakiil kale.

Gaashanle Sare Mohamed Ibdow Ibrow Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed ayaa Kulan la qaatey Sarakiisha Ciidamada Kala duwan oo ay qeyb ka ahaayeen Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay Gaashanle Dhex Aamin Mad daruur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada kulanka ayaa inta Badan la iska Xog wareystay Ammaanka Guud ee Deeganada KGs.

Kulanka ka dib Taliyaha ayaa Isaga iyo Wafdigiisa Loo soo galbiyay Xarunta Booliska KGs halkaasi oo si wada Jir ah Ay Warbaabinta kula hadleen.

Gaashanle Dhex Aamin Mad darur Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay ayaa Taliyaha iyo wafdigisa uga Warbixiyey Amniga Magaalada Baydhabo iyo Guud ahaan KG kuna soo dhaweyay Baydhabo.

Gaashaanle Sare Mohamed Ibdow ibrow Taliyaha Ciidanka Booliska KGs ayaa shaagey in Baydhabo ay u yimaadeen Shaqo ayna sii laba jibbaari doonan Amniga Magaalada Baydhabo iyo Guud ahaan Kgs isagoona Ammaaney Waxqabadkii hore Ee Taliyhii Asaga ka horreeyey ee Genaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo uu sheegey in uu waxbadan ka soo qabtey Deegaanadan Koonfur Galbeed Soomaaliya.