SAWIRO:Turkiga oo Koonfur Galbeed ka hirgeliyey Ceelbiyoodyo

Wasiirka Tamarta Iyo Khayraadka Biyaha DGKS Imaan Cali Cabdi iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada ayaa Maanta Booqashoyin Dhowr ah Ku Tagay Goobo laga Hergalinaayo Ceelal Biyoodyo iyo Kuwo lagu Guulaystay Qudistooda Oo Bulshada Hada ka faaidaysanaysa.

Wasaarada Tamarta Ayaa Maanta ku Wareejisay Barakacaysha Ceel biyood Wasaarada Qodistiisa ay soo Dhamaysay .

booqashada waxaa Kaloo Qeeb ka ahaa oo uu ku tagay Ceel Biyood Riig ah oo Walaalaha Turkiga ay ku qodayaan duleedka Baidoa oo wasaarada kala qeeb qadanaya Oo hada Howshiisa socota waxa uu u kuurgalay tayada iyo qaabka loo qodaayo .

sidoo kale Waxuu booqday Nawaaxiga Xarooyinka Barakacaaysha Oo Wasaarada ay ka hergalisay Biyo Qaybiyaal Taasi looga dulaayo si loo yareero Cabashada ku Aadan Biyo La’aanta haysatay .

Wasiirka ayaa ayaa Bulshada ku nool Kaamamk Barakacaysha duleedka baydhabo U Furey Kuna wareejiyay asigoona kala qeeb qaatay biyo biyo Gaarsiinta .

waxaa ugu horeen goobta ka Hadlay Mahadcelin Balaaran soo Jeediyay Bulshadii Ku Noolayd kaamka oo ka faaidasatay Ceel Biyoodka Wasaarada aya Ku wareejisay .

Ugu Danbayn Wasiirka Wasaarada Tamarta Iyo Khayraadka Biyaha DGKS Imaan Ali Abdi ayaa Xusay in Shaqada Xiliga wasaarada Sii labo Jibaartay Ayna Wado Qodista Ceelal Biyoodyo Ka Faaidaysan Doona Bulshada Koonfur Galbeed Gaar ahaan Xarooyinka Ku soo Barakaceen Bulshada oo xaladooda liidata

.