SAWIRO]Wafdi gaarey Deegaanada Wabiga Shabele uu ku Fatahay ee hoostaga Drgmada Afgooye

Wafdi Si wadajir ah ay UHogaaminayeen Wasiirada Wasaaradaga Kaluumeeysiga iyo kheyraadka Badda Boostada iyo is gaarsiinta Koonfur Galbeed Cabdiqani Cabdullahi Maxamed iyo Maxamed Nuur Sheekh Cadde oo Ka koobnaa maamulka Gobalka kan Dagmada Afgooye iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka ayaa gaaray Tuulooyinka uu ku Fatahay Wabiga Shabeelle qaar kood oo kala ahaa Damaleey, Sabiid, Caanoole iyo Cadow Dibile oo ka tirsan Dagmada Afgooye ee Gobalka Shabeellada hoose.

Wafdiga ayaa Ujeedkooda ahaa Sidii ay uogaan Lahayeen Dhibaatadii ka Dhalay Fatahaadka Webiga Shabeele Sameynta ku Yeeshey Bulshada Ku Nool Degaanada Hoos Yimaada Degmada Afgooye ee G/Shabeelaha Hoose.

Ugu Danbeyn Wafida oo Ka Jawaabay Amarkii Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa gaarsiiyay Deeq kala Duwan ku Dhowaad 1200 oo Qoys oo Sameyey Fatahaadka.