SAWIRO;Wafdi gaarey Degmada Diinsoor oo si Diirran loogu soo Dhoweeyey

Wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee koonfur galbeed Mudane Mohamed Abukar Cabdi ayaa Maanta garey Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay,

Xubnaha wafdiga ayaa waxaa kamid ahaa wasiirka wasaaradda qorsheynta koonfur galbeed Mudane Axmed Madoobe Noonow Mohamed iyo masuuliyiin kale waxaana garoonka Diyaaradaha Degmada Diinsoor ku soo dhaweeyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha gudaha Koonfur Galbeed Mustaf Sheikh Abdulaahi Adaf Gudoomiyaha Degmada Diinsoor ku xigeenadiisa Odayaasha dhaqanka Waxgaradka Culimada Dhalinyaradda Haweenka iyo Barbaabrta Gaashaaman ee Degmadaasi iyaga lulayey Caleemo qoyan isla markaana ku dhawaaqayay soo dhawaada Jaalayaal iyo Eriyo kale.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha koonfur galbeed Mudane Mohamed Abukar Cabdi ayaa ugu mahadceliyey Guddoomiyaha iyo Shacabkiisa sida ay u soo dhaweeyeen wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda Safarkooda kuna sheegay inay tahay dardargelinta dhismaha Golaha Deegaanka ee Degmada Diinsoor.