SAWIRO;Wariyaal Tabababar loogu soo xirey Baydhabo

Wasaaradda Warfaafinta iyo wacygelinta Bulshada Dowlad Goboleedka KGS ayaa maanta Baydhabo Tababar ugu soo xirtey Qaar ka Mid ah wariyasha ka howlgala deeganada KGS,

Tababarkaasoo socodaymudada shanta maalin ah ayaa waxaa lagu baranaayey aqoon kororsiga dhanka saxaafada oo ay soo qaban qaabidey Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Dowlad Goboleedka oo loo qabtey Qaar kamid ah Wariyaasha ka howlagalaa Deegaanada KGS
.
Wariyayaashan ayaa ka kala yimid Gobolka shabeelada hoose , Bakool iyo Baay ayaa waxaa maanta xiritaanka Tababarkooda ka qeybgalay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada KGS iyo Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada KGS Mudane Ugaas Hassan Abdi Mahamed .
Tababarkan ayaa waxaa ujeedkiisuu ahaa in la tayeyo xirfada Wariyaasha ka howlagala Deegaanada KGS