Sawiro”Wasaarada Caddaalada KG oo Furtey Kulan Wadatashia

Wasiirka Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Xuseen Xasan ayaa maanta Baydhabo ka furey kulan wadatashi ah oo socon doona mudo kusiman Labo maalmood kaas oo loo qabanayo Agaasimayasha guud iyo Agaasime waaxeedyada Wasaaradaha DGKGS kaas oo ku saabsan diyaarinta sharciyada ay ku shaqeeyaan Wasaaradaha Dowlad Goboleedka.

Kulankan wadatashi ayaa inta uu socdo Agaasimayasha guud ee Wasaaradaha iyo Sharci Yaqaanada Wasaarada Caddaalada waxa ay gorfeyn doonaan oo lagu baran doonaa hanaanka diyaarinta hindiso sharciyeedyada.