Sawiro”Wasaarada Haweenka Arimaha Qoyska KG oo Maanta Dood Wadaag Qabatey

Wasaaradda Haweenka Arimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Somalia Ayaa Manta Doodwadaag Ku Qabatay Horyaal Hotel Magalada Baydhabo,

Doodwadaaga Waxaa Looga Hadlayay Sidii Haweenka Uga Qeyb Qaadan Lahaayeen Sugida Amniga Iyo Sidii Caruurta Looga Badbaadin lahaa In ay Ka Mid Noqdaan Ururada Xagjirka Ah,

Doodwadaaga Manta Ay Wasaarada Qabatay Waxaa Ka Soo Qeybgalay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Baay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Bakool Iyo Gudoomiyada Ururka Haweenka Dagmada Xudur Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Iyo Culumaaudiinka Dagmada Baydhabo Gabdhaha Aqoonyahanada Koonfur Galbeed gudoomiyaaasha 10 Xaafadood Dagmada Baydhabo ,

Kasoo Qeygalayaasha ayaa U Mahad Celiyay Wasiiradda Haweenka Marwo Faiza Sharif Nor Dadaalka Ay Ugu Jirto Sidii Haweenka Iyo Caruurta U Heli lahaayeen Xaquuqdooda.