SAWIRO;Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa KGS oo 600 qof Tababar u furtey

Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & daaqa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa maanta Baydhabo ka furay tabobar ku saabsan #MAAREYNTA_Caafimaadka_Xoolaha,

Tababarkan ayaa waxaa loo qabanayaa tuulooyinka ku hareereysan Degmada #Baydhowa, waxaana ka qeybqaadanayo Tabobarkani tiro gaareysa 600 qof, waxa uuna socon doonaa mudo ku siman 5 maalin iyadoo tabobarka ay bixinayaan qaar kamid ah dhaqaatiirta Wasaaradda XXDH&D DGKS.