SAWIRO;Wasiir Cawad iyo Safiirka Imaaraadka Carabta oo ku kulmay Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa kala hadlay Safiirka Imaaraatka xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labadda dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta oo Khamiis ah aqalkiisa Muqdisho quraac sharafeed ugu sameeyay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi.

Labadda dhinac waxa ay wadahadleen intii martisoorka lagu guda-jiray xiriirka laba geesoodka iyo horumarinta iskaashiga oo ka qeybqaadanaya kor u qaadida heerka xiriirka labada dal ee walaalaha ah oo dhinacyo kala duwan leh si loogu dhaqaaqo wax wadaag sal ballaaran leh.

Kulankaan ayaa kusoo beegmay xilli uu mugdi galay xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta Sanadyadii ugu dambeeyay.