[SAWIRO]Wasiirka Caddaalada KGS oo Shir uga qeybgaley Muqdisho

Wasiirka Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka KGS mudane maxamed Xuseen Xasan iyo qaar kamid ah howlwadeenada Wasaarada waxa ay maanta magaalada muqdisho ee caasimada dalka kaga qeyb galeen shirka Saddex biloodlaha ah ee (Rule of Law working group) ee ay isugu yimaadaan dhammaan Hay’adaha Bahda Cadaaladda Heer Federaal iyo Heer Dawlad-goboleed iyo Deeqbixiyeyaasha taageera Bahda Cadaaladda Soomaaliya iyo Saaxiibada la shaqeeya ee isugu jira Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo kale ee caalamiga ah.

Shirka waxaa shir guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda DFS Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji iyo Safaaradda Netherlands waxaana la joogay Madaxa Midowga Yurub, Madaxa Fulinta UNSOM, Xeer-illaaliyaha Qaranka iyo Wasiirka Cadaaladda Koonfur-galbeed,

Shirka ayaa waxaa lagu soo wada bandhigay wax qabadkii sanadkaan dhamaanaya iyo hormarka ay ku tilaabsaseen Hay’adaha Bahda Cadaaladda ee Heer Federaal iyo Maamul Gobaleed.