SAWIRO”WASIIRKA MAALIYADDA IYO TALIYAHA CIIDAMADA XOOGA DALKA OO KULMAY

Wasiirka maaliyadda Abdirahman Dualeh Beileh ayaa la kulmay taliyaha ciidamada xooga dalka iyo saraakiil kale oo ka tirsan taliska ciidamada xooga dalka.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay hawlaha dib u habeynta ciidamada, maadama dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo muhiimada kowaad siisay dhismaha ciidamada qalabka sida.

Wasiirka Maaliya ayaa ka warbixiyay kulanka

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay dar dargelisay howsha dib u habeynta ciidamada
“Maanta waxaan xarunta Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale oo la socotay, waxaan ka wada hadalnay howsha dib-u-habeynta Ciidamada iyo faa’iida ay leedahay diwaangalinta casriga ah ee (biometric), Muhiimadeena 1aad waa Ciidamadeena, waana geesiyaal aan ku faano”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.