[SAWIRO]Wasiirka Waxbarashada KG oo Maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Wafi ka socdey Finland

Wasiirka Waxbarashada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Abduraxmaan Usmaan Malak ayaa waxaa maanta Xafiiskiisa Iyo Xaruunta Hayada FCA Ku Qaabilay Wafdi Ka Socdey Safaarada Finland.

Waxaana qeyb ka ahaa wafdigaasi Wasaaradda arimaha dibadda filadan iyo Xubno ka socdey Hay”‘adda FCA oo inta badan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ka Taageerta Dhinac waxbarshada.

Wasiirka Waxbarashada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Abduraxmaan Usmaan Malak ayaa masuuliyiinta uga warbixiyey Xaalada guud ee Waxbarashada Degaanada Koonfur Galbeed Waxaana uu Ka codsadey Wasiirka In ay sii laba Xojiyaan dedaalada Dhanka Waxbarashada Iyo In La Dhiso Xaruunta Wasaarada Waxbarashada Koonfur Galbeed .

Madaxda ka soctey Dowladda Finland ayaa Waxaa ay balan qaadeen inay Garab Istaagin Doonan Siina Wadi Doonaan Dadaalada Dhanka Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya ayadoo tixgilin gaar ah siin doona sida ay sheegeen Baahiyaha ka jira Guud ahaan Deegaanadda Koonfur galbeed.