SAWIRO;Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada KG Oo Furey Tababar ku saabsan TUBAHA loo dhan yahay

Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Mohamud_Mohamed_Kaire ayaa Furey maalintii Shaley aheyd ee Taariikhdu ay ku beegneyd 23/12/2019 Tababar ku saabsan TUBAHA loo dhan yahay oo ay ka qeyb qaadanayaan Dhammaan Agaasimayaasha iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradaha Koonfur Galbeed Soomaaliya,

Tababarkan ayaa waxaa uu socondoonaa muddo 5 Maalmood ah waxaana inta uu socdo qabsoomidiisa ka qeyb qaadanaya Saraakiil ka socota Xafiiska Ra,iisal Wasaaraha Dalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,

Tubaha loo dhan yahay ayaa ah Barnaamij aad muhiim ugu ah dhamaan Wasaarada Koonfur Galbeed waana halka lagala socon karo in Wasaarad kasta ay ku socoto Qorshihii ay hiigsaneysey ama halbeegeedii guud ahaan iyo gaar ahaanba Wasaaradaha,