SAWIRRO:-Ciidamo Maanta laga sagootiyay dalka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed Amar-dambe iyo Saraakiil kale ayaa Maanta Garoonka Aadan Cadde ka sagootiyay Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda.

Ciidamadan ayaa loo qaaday dhanka dalka Turkiga, iyagoona halkaas kusoo qaadan doona tababar la xiriira Ciidamada, isla markaana waxaa dardaaran u jeediyay Wasiir Xasan Cali Maxamed Amar-dambe.

Si kastaba maalmo kahor ayay aheyd markii 500 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ay soo gaareen Magaalada Muqdisho, kadib markii tababar loogu soo xiray dalka Turkiga.