SAWIRRO: Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka degay Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa hadda soo gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona Shir ay yeelan doonaan Madaxda maamul goboleedyadda oo lagu waddo in uu ka furmo Magaalada beydhabo

.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa lagu sharaxay Calamadda maamuladda Koonfur Galbeed ,Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland.