Sawirro-MW Farmaajo oo Billad Wadaninimo Gudoonsiiyey Wiil Soomaaliyeed

Cabdiraxmaan Aar waa wiilkii Magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland dhexdeeda ku labistay Calanka Soomaaliya ee boolisku Soomaaliland lagu eedeeyey in ay Jirdileen ee Xabsigana u taxaabeen ayaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Villa Somaliya Waxaa ku qaabiley Madaxweyne Farmaajo.

Galabta ayuu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kulan dhiirri gelin ah u fidiyey Cabdirixmaan Maxamed Cali (Aar) oo Xambaarsan farrin Midnimo iyo Wadaniyadeed, wuxuuna ku maamuusay Guddoonsiinta Astaanta Qarankeena Soomaaliya.