Sawirro Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Norway

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Norway Erna Solberg.
Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal u dhaxeeya iyo sidii Norway u sii kordhin laheyd taageerada ay siiso Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo heysta dhalashada Norway ayaa ka mahad celiyay taageerada ay Norway siiso Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la lahaa madax ka qeyb galeysa shirka Dhaqaalaha Adduunka, waxaana uu kala hadlayay sidii taageero ugu heli lahaa mashaariicda ay dooneyso inay fuliso Xukuumaddiisa