SAWIRRO: Shacabka Jigjiga oo isugu soo baxay wadooyinka

Shacabka Magaalada Jigjiga ayaa isku soo baxay Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Jigjiga xilli halkaasi ay guud ahaan la wareegeen ciidamada Milatariga dowladda Itoobiya.

Wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan dowlad degaanka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ciidammada federaalka Itoobiya ay wareegeen xarumihii dawladda islamarkaasna ay khalkhal geliyeen shacabka.

Waxayna mas’uuliyiintani intaasi ku dareen in aanan la ogayn halka uu jiro madaxweynaha dowladda deegaanka Itoobiya.