SAWIRRO;Dalxiisayaal soo gaaray Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu soo dhoweeyay Dalxiiseyaal Daalami ah oo ka kala socda dalalka Germany iyo Australia.

Dalxiisayaashan ayaa waxaa Magaalada Baydhowa ku soo dhoweeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Garsoorka & Cadaalada, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta & daaqa, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka DGKS.

Soo dhoweyn kadib waxaa loo galbiyey Guriga madaxtooyada halkaasi oo uu ku soo dhoweeyay kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DGKS Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Dalxiiseyaasha ayaa ka Mahadceliyey sida sharafta leh ee loogu soo dhoweeyey Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed iyagoona dhankooda sheegay in ay Maalmo joogi doonaan Degmada Baydhowa si ay ugu soo Dalxiisaan Goobaha Quruxda badan ee Magaaladu ay leedahay.

Dalxiiseyaashan oo Hadal kooban jeediyey ayaa sheegay in Magaalada Baydhabo ay tahay magaalooyinka ugu quruxda badan Wadanka Soomaaliya.