(SAWIRRO)Faahfaahin Qaraxyada Galabtan ka dhacay Baydhabo

Laba qarax oo is xig xigtay ayaa waxa ay ka dhaceen bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay Qaraxyadan oo daqiiqada un kala horeeyay ayaa midka hore  lagu weeraray hotel la yiraahdo Bilan, halka midka kalena lagu weeraray maqaaxida Beder.

Labada qarax ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen ismiidaamin

Ilaa hadda khasaaraha dhabta ah lama xaqiijin karo, goobta ay qaraxyada ka dhaceen waxaa si deg deg ah ku gaaray gaadiidka gurmadka ee ambalaasta, si ay halkaasi uga soo qaadaan dadka ku waxyeeloobay qaraxyadaasi.

Wariyaasha Radio baidoa ee halkaasi gaarey ayaa  sheegaya in Afar Qof ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay hotel Bilan, kuwaasi oo dhammaantood ahaa shacab.

Masuuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen inay wadaan u gurmashada dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadan, dibna ay ka faah faahin doonaan khasaaraha weeraradan.

Qaraxyadan waxay ku soo aadeen xilli galabta magaalada Baydhabo kulan taageero uu ku qabsanayay musharax madaxweyne Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Qaraxyadan ayaa muujinaya heerka amni ee magaalada Baydhabo iyada lagu guda jiro abaabulka iyo diyaar garowga ku aadan doorashada la qorsheeyay inay dhacdo 17-ka November ee sanadkan.