(Sawirro)Madaxweyne shariif Xasan oo Salaada Ciida kula Dukadey Dr Ayub Stadium Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed soomaaliya Mudane Shariif Xassan Sheikh Aadan ayaa Boqolal Shacabka Magalada Baydhabo ah Salaada Ciida kula Tuktey Garoonka Kubada caqta ee Dr’ Ayuub ee magaalada tan Baydhabo

Madaxweynaha ayaa inta aan  salaada La Tukan waxaa uu halkaasi ka Jeediyay khudbad gaaban isagoona shacabka Reer koonfur galbeed ugu Hambalyeeyey Maalinta Farxadeed ee Ciida waxana uu ugu Baaqey in ay ka shaqeeyaan Dowlad Nimada ,
Boqollaal ka mid ah dadweynaha ku nool Magaalada Baydhabo ayaa naanta si wadajir ah ugula dugadey madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Ayuub Stadiom

Guud ahaan waxaa maanta si weyn looga Ciidey Deegaanadan Koonfur Galbeed.iyadoona ay isugu hambalyeeynayey Munaasabada Ciida