SAWIRRO;Wafdi Sahmin ah oo gaarey Degmada Berdaale

Daadad xoogan ayaa ka jiro Deeganada hoos yimaada Degmada Bardaale ee Gobolka baay Wafdi ka socday Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya oo uu qeyb ka ah Taliyaha Sectorka 3-aad ee Amisom ayaa Maanta gaarey Degmada Bardaale ee Gobolka Baay
Waxana ay u kuurgaleyeen Xaaladaha Degmadaasi kajirta iyagoona Booqdey goobo kala duwan oo bulshada ay u barakaceen Guryahoodana ay ku jiraan biyo kasoo barakiceyay,

Wufuudan maanta gaartey Degmada Bardaale ayaa ah Guddigii gurmadka Fatahaadaha KG ee uu magacaabey Madaxweynaha DGKGS. Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Wasiir kuxigeenka wasaradda Ariimaha gargaarka maareynta iyo Masiibooyinka KGS Guddomiyaha gobolka Baay , Guddomiyaha degmada Bardaale ayaa shacabka ka wareystay Xaladahooda sida ay hada tahay.

Bulshada oo ku sugan Duleedka Degmada Bardaale oo saameyay Daadadka ayaa waxaa ay hooy ka dhikteen geedaha Cali garoobka Waxaana ay isugu jireen Hooyooyin, da’a ah iyo Caruurtooda waxana ay ka warbixiyeen sida uu u Saameeyey daadadka Guryahooda soo galey.

Mohamed isaxaaq Aracase Guddomiyaha degmada Bardaale iyo Guddomiyaha gobolka Baay, Ali wardheere Abdiraxmaan ayaa ka warmey Xaalka ay ku sugan yihiin shacabka degmada bardaale ee Gobolka baay.

Genaral Alemu Ayele oo ah taliyaha Ciidanka Amisom sector 3 ayaa sheegey in ka Amisom ahaan ay Door muhiim ah ay kaqaadan doonan sidii bulshada Degmada bardaale gar gaar loo gaarsiin lahaa waxana uu Sheegay in maanta ay soo gaarsiyeen Dawooyin iyo Dhaqaatiir Bulshada Degmadaasi kala shaqeeya Caafimaadkooda.

Abdulkadir Sheekh Ali Baraka Wasiir kuxigeenka wasaradda gargaarka Maareynta Iyo masiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in wax lala yaabo ay kusoo arkeen Degmada Bardaale qof kastana looga baahanyahay in uu doorkiisa ka qaato sidii bulshadaaai loogu gurman lahaa.