(Sawirro)Konfur Galbeed Somaliya iyo Dowlad Deegaanka Somalida Itoobey oo iska kaashanaya Ammaanka

Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha Dowladaha Hoose Iyo Dib U Heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Mohamed Abukar Cabdi oo Howlo Shaqo u jooga Degmada Ceelberde ee Gobolka Bokool ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Kulankaasi oo loogu hadlayey xaalada Nabadgeliyo,

Labada dhinac ayaa kawada hadley sidii ay isaga kaashan lahayeen dhanka Amniga oo ay wada yeelan lahaayeen wadashaqeyn Maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo midka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu Xuduud lawadaagaa Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.