Shabaab oo sheegay in ay Qarax ku dileen Ciidamo DF ka tirsanaa

Xoogaga ururka Al-shabaab ayaa war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan waxa ay ku sheegeen in weeraro khasaare dhaliyay ay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Shabaab waxa ay sheegeen xoogag iyaga ka tirsan in ay weerar ku ekeeyeen degaanka Golweyn ee duleedka degmada Buula Mareer, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Weerarkan ayay Shabaab sheegeen in ay ku dileen laba Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Millitariga Soomaaliya, kadibna ay qaateen laba Qori AK-47 ah, inkastoo aysan jirin ilo madax banana oo xaqiijinaya sida dhabta ah ee halkaasi ay wax uga dhaceen.

Dhinaca kale ururka Al-shabaab ayaa sheegay Qarax ay la beegsadeen Ciidamo ku sugnaa kontaroolka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose inuu sababay dhimashada Saddex Askari.

Marka laga soo tago sheegashada Shabaab ee weeraradan khasaaraha dhaliyay, ma jirto dhanka kale saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Gobolka oo ka hadlay weeraradan