Shabaab oo sheegtay in ay weerar la eegteen Ciidamo Mareykan ah

Ururka Al-shabaab ayaa waxa ay sheegteen in ay weerar dhabagal ah u dhigeen Kolanyo Ciidan oo isugu jira Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM kuwaasi oo ku socdaalayay duleedka degmada Afgooye.

Ciidanka Mareykanka iyo kuwa AMISOM oo ay wehlinayeen Ciidamo Soomaali ah ayaa waxa ay ka soo baxeen degmada Afgooye, wuxuuna weerarka ku qabsaday Tuulada Baqdaad oo ku taalla duleedka degmada.

Waxay sheegeen Shabaab in weerarkan uu isku bedelay mid toos ah oo labada dhinac dhexmaray, waxayna tilmaameen in ay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed gaarsiiyeen Ciidamada.

Dhinaca kale Shabaab ayaa waxa ay sheegteen in ay weerar la eegteen kolonyo kale oo ka tirsan AMISOM oo marayay degaanka Ceel-wareegow, kuwaasi oo sahay u siday Ciidamo ku sugan degaanka Shalambood.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya warkan Shabaab ay sheegteen, sidoo kale saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka weli kama aanay hadlin weeraradan Shabaab ay sheegeen in ay ka geysteen Shabeellaha Hoose