Shabaab oo sheegtay inay qarax ku dileen askar ka tirsan ciidanka dowladda

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay qarax la heleen gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomalaiya oo ku socdaalayay agagaarka degaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho.

Waxay sheegteen Shabaab weerarkaasi inay ku dileen ilaa Shan askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, kuwaasi oo qeyb ka ahaa ciidanka lala eegtay qaraxa loo adeegsaday miinada nuuca dhulka lagu aaso.

Qoraal lagu soo qoray baraha Al Shabaab wararka u faafiya ayaa waxaa lagu sheegay in Al Shabaab ay sii kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan degaanka Jaziira ee ay la eeganayaan ciidanka dowladda.

Dhinaca kale Shabaab waxay sheegteen qarax xalay ka dhex dhacay xero ciidan oo ku taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir in ay ku dileen Afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Ilaa hadda saraakiisha ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya kama aanay hadlin warka Shabaab ee la xiriira inay dileen askar ka tirsan ciidanka dowladda.