Shacab ku dhaawacmay banaanbaxyo ka dhacay Garoowe

Banaanbaxyo rabshado wata, islamarkaana ay ku dhawacmeen haweenay iyo wiil Araday ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa haleeley Rasaas la sheegay in ay rideen Ciidamada Ammaanka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Mudaaharaadayaasha ayaa la sheegay inay dalbanayeen in sharciga la horkeeno ciddii dishay Ruux shacab ahaa oo ku dhintay shalay galab Rasaas ay rideen Ciidamo hawlgal ka samaynayey gudaha Magaalada Garoowe.