Shacabka Baydhabo oo horkacaya Gudoomiyaha Degmada Baydhabo oo Dhiig Shubey(SAWIRO)

Shacabka Degmada Baydhaaybo ayaa safaf ugu jira in ay dhiigooda ugu deeqaan oo ay u shubaan walaalahooda ku dhaawacmey Qaraxyadii Qorraxdhicii ka dhacay magaalada tan Baydhabo.

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Baydhabo ayaa ka Muuqdey Cisbitaalka isaga dhiig u shabaya Dadka ku dhaawacmey Qaraxyada iyo Shacab fara badan oo iyagu dhiig ugu deeqayey walaalahooda dhaawacan

Waxaana loogu baaqayey Shacabka in ay ku deeqaan dhiig Cisbitaalada lagu dabiibayo dhaawacyada ayaa sheegayey in loo baahanyahay Gurmad dhiig ah.

Dhimashada Dadkii ku dhintey Qaraxyada maanta Gabbaldhicii ka dhacay Baydhabo ayaa haatan gaareysa in ka badan 17 Qof halka dhaawacana uu yahay in ka badan 20

kooxaha gurmadka degdega ah ay dadkaasi la tacaalayaan.

Weerrarka waxaa sheegatay xarakada Al-Shabaab,  oo ay sheegtay inay bartilmaameedsadeen goobo ay isugu yimaadaan saraakiisha iyo xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidammada ammaanka ayaa waxa ay xireen wadada marta bartamaha magaalada halkaas oo ay ku yaallaan goobaha ganacsi ee qaraxyadan lagu bartilmaameedsaday.

Magaalada Baydhaba ayaa maalmahanba waxaa ka soconayay ololaha doorashooyinka madaxtinimada ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado inay qabsoomaan 17-ka bisha Nofeembar ee soo aaddan.