Shacabka kalsooni maku qabaan hay’adaha garsoorka

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in tan iyo markii uu la wareegay Xafiiska Wasaaradda uu ogaaday in dadka Soomaaliyeed aysan kalsooni ku qabin hay’adaha Garsoorka Soomaaliya.

Wasiirka oo ka qeyb galay Barnaamij ka baxayay Warbaahinta dowladda waxaa uu sheegay in Hay’adaha Garsoorka dalka ay Shaqadooda tahay inay si wanaagsan ugu adeegaan Shacabka Soomaaliyeed, taasina ay qaadeen.

Sidoo kale Wasiir Jaamac waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in qof walba oo u baahan Cadaalad inay la raadinayaan, isla markaana ay baaritaano ku sameeynayaan waxkasta oo uu u baahan yahay.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli inta badan Shacabka Soomaaliyeed ay saluugaan sida ay u Shaqeeyaan hay’adaha Garsoorka Soomaaliya.